Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed cabdiraxmaan Dhabancad ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax is-miidaamin ah oo maanta lagu dilay guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur.
Wasiir Dhabancad oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid argagixiso oo Gaari lagu dhuftay Gaarigii uu saarnaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug, ayna ku dhinteen 5 qof, afar kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo baaritaan uu weli socdo
“Guddoomiyeyaasha Puntland laga laayey la mid maaha tusaalena looguma soo qaadan karo meelaha kale ee Soomaaliya ka mida oo mas’uuliyiintooda ay Dhagxaan Shub ah gadaashooda ku jiraan” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Puntland oo u muuqday inuu wareysiga uga faa’iideysan inuu weeraro madaxda dowladda Federaalka.
Mas’uuliyiinta Puntland ayuu sheegay inay jidadka maraan, dadka u shaqeeyaan, isla markaana ayna Xafiisyadooda ka howlgalaan