Thursday, August 7, 2025

Wasiir Dubbe oo ka noqday Kireynta Maqaayadii Tiyaatarka, kadib Amar ka yimid RW Rooble (Akhriso)

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ka noqday oo hakiyey kireynta iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka, kadib amar uga yimid Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii Abwaannada iyo fannaaniinta Qaranka ay ka hor yimaadeen kireynta dhul ka mida Tiyaatarka, kuna eedeeyeen Wasiir Dubbe inuu hantida Qaranka kireynayo si uu olole doorasho ugu galo.

Qoraal uu so osaaray Wasiirka Warfaafinta ayuu ku yiri: “Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” Cismaan Abokor Dubbe.

RW Rooble ayaa la sheegay inuu la xiriiray wasiirka warfaafinta, kuna amray inuu ka laabto kireynta dhul ka mida Tiyaatarka Qaranka, oo si weyn ay uga hor yimaadeen fannaaniinta iyo hobollada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON