Monday, June 23, 2025

Wasiir Fiqi oo Dalbaday in la hubiyo Nin toogasho lagu xukumay (Kiis culus oo Col. Shuute lagu heysto..)

Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa dalbaday in la hubiyo, kiis ay shalay qaaday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, iyadoo xukunno isugu jira toogasho iyo xabsi ku riday ilaa lix qof oo lagu eedeeyay Alshabaab.

Wasiir Fiqi ayaa si gaara uga hadlay eedeysane C/Naasir Cusmaan Nuunow oo dil toogasho ah lagu xukumay, markii lagu eedeeyay inuu dilay Marxuum Maxamed Xaashi Faarax, wuxuuna soo xigtay qoraal uu Baraha bulshada kusoo qoray nin sheegay inuu la dhashay Marxuumka, kaasoo ku dooday in walaalkiis uu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda, Ninka la xukumayna loo saaryey denbiga.

“Sida muuqata kiiskan wuxuu u baahan yahay hubin, dib u baarid iyo ka fiirsasho badan, waxaana muhiim ah in ehelada daba socota kiiskii ninkaan lagu eedeeyey in la qanciyo isla markaana ninkaan eedeysanaha ah uu asna cadaalad helo”.” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Ad

Ninka doodan culus soo bandhigay oo lagu magacaabo C/llaahi Xaashi Faarax ayaa qoralkiisa ku sheegay in xukunka dilka ah ee Maxkmada Ciiddamada ku Xukuntay Cabdinaasir Cusmaan uu yahay waxba kama jiraan, isla markaana uu walaalkiis Maxmed Xaashi uu dilay Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

“Ninkan… waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed hashi Waxaa dilay askari katirsan dowlada waxaana Baarayaasha kiiska waraysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay.. Waxaan is weydiiyay marka xukunka dhacay ee la sii day dayay danbiilihii Kiiskiina wiilkana loo saaray Lana rabo in la dilo Meeqo qof oo aan maalin waliba argno shuute oo leh waxbeey dileen ayaa sidan oo kale Danbi aysan galin loo dilaa. Dhibka ugu badan Waxaa u haystaa dadka tabarta yar ee wiilkan oo kale ka dhashay..” ayuu yiri C/llaahi Xaashi.

Kiiskan waxaa dhowaan soo dhex galay odayaasha Beesha Saleebaan oo dhibanaha la dilay uu kasoo jeedo, iyagoo eedeynaya Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, oo ay sheegeen inay marin habaabiyeen kiiska Marxuum Maxamed Xaashi Faarax oo ay sheegeen inay dhaawaceen ciidamada la socday Gaari Cabdi Bllle ah watay, lana soo xiray askartii Gaariga saarnaa, falkaasina lagu helay askari Cabdi Maxamed Amiin; waxayna si kulul u eedeeyeen Maxkamadda Ciidamada iyo Xeer ilaalinteeda.

- Advertisement -

Hore waxaa Maxkamadaha ciidamada loogu eedeyn jiray inay xukumaan dad aan dembiyo lahayn oo ay usoo sameeyeen Hay’adaha Amniga, balse waa markii ugu horeysay ee kiis sidan uu soo shaac baxo, iyadoo uu taageerayo wasiir ka mida xukuumadda.

Warbixinta Qoyska Marxuuumka iyo Kiiskan, hoos ka daawo

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON