Wasiirka Waxbarashada Xukuumadad Soomaaliya ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrinta Shahaado bixinta ee Ardayga Soomaliyeed ee ka qalin jebiya dugsiyada Sare oo muran ka taagnaa, isagoo caddeeyay inaysan shaqo ku lahayn Dastuur, laguna fasiri karin, isla markaana aysan ahayn mid ku saabsan heshiisyo.
Wasiir Goodax ayaa sheegay in arrintan muranka shahaado siinta ardayda ay ku saabsan tahay in Arday aan imtixaan gelin in shahaado la siiyo, wuxuuna intaas ku daray inuusan jirin Dastuur sharciyeynaya in arday aan imtixaan gelin shahaado la siiyo, ayna isku shahaado qaataan arday aan imtixaan galay iyo mid aan gelin.
“Waxaan la leeyahay waxaa la fara gelinayaa waxbarashada, Dastuurka ayaa xaq noo siiyey madax banaani, waxaas oo dhan waa marin habaabin… Tusaale haddii aan u soo qaadano Maamul Goboleedka hadda cabanaya (Puntland).. cid faragelisay waxbarashadooda ka ma jirto, xataa imtixaanka cid faragelisay ma jirto, waxaa madax bannaan yihiin… imtixaankooda ayey qaadaan.. waxa aan isku heyno ee sarta ka quruntay ayaa ah: imtixaanka ayaan qaadayaa cidna igama war qabeyso.. ma ogaaneysaan ardayda waxay yihiin, laakiin shahaado ayaan bixineysaan..! arrintaas waa sed-bursi aan la qaadan karin..” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo si cad u kashifay waxa ay isku hayaan dowladda Federaalka iyo maamulaka Puntland.
Wasiiru wuxuu sheegay in waanwaan 4 sano lala waday Puntland ay soo dhammaatay oo mar waliba ay sheegayeen inay sanadka danbe fulinayaan shahadada mideysan ee imtixaanka dugsiyada sare ee dalka, wuxuuna caddeeyay inuu ka xun yahay in la siyaasadeeyo arrintan, laakiin ay wasaaradiisa ka go’an tahay inaan wax shahaado ah la siin arday aan shaqeysan.
“Maamuka Puntland aad iyo aad ayey u siyaasadeeyeen arrintan… markii siyaasadihii kale oo dhan meel ay marsiiyaan waayeen… inay waxbarashadii ku gorgortamaan.. siyaasaddda waxbarashada Puntland dad ayay u afduuban tahay… wadaadka 80 jirka ah ee raba in 18 sano jirka Puntland inuu mustaqbal seejiyo ayey u afduuban tahay.. waxaan arkaayey wiilkiisa oo qeylinaya, Juxa iyo Cali Xaaji dad noocaas ah… war dadkan maxay u hortaagan yihiin waxbarashada, aqoonta iyo shahaado bixinta.. waxaa isaga khaldan tahay waxbarashada iyo siyaasadda Soomaaliya..” ayuu farta ku fiiqay Wasiir Goodax.
Wasiirka Waxbarshada ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday una jawaabay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, isagoo ku eedeeyay inay ka degi la’ dahay Puntland, dhibaatii uu dadka Soomaaliyeed u abuurayna ay weli taagan tahay.
HOOS KA DAAWO