Wasiir Goodax oo raaligelin siiyey Xildhibaankii uu ku tilmaamay Alshabaab & Dood kale oo taagan…

Wasirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa raaligelin siiyay xildhibaan uu ku tilmaamay inuu Alshabaab yahay, kadib buuq iyo fowdo ka dhacay Baarlamaanka Sabtidii…

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh ayaa xildhibaanada u sheegay in Wasiir Goodax iyo xildhibaanka uu u gefay oo lagu magacaabo Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid)  ay is faham gaareen, isaga ay lasoo hadleen iyagoo wadajooga, arrintoodana ay dhammeysteen.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in Wasiir Goodax aanu u gefin hal xildhibaan ee dhammaan xildhibaannadii buuqa sameeyay maalintiis uu ku sheegay inay Alshabaab yihiin, loona baahan yahay inuu Baarlamaanka hor yimaado, halkaasina ka bixiyo raaligelin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

126,288FansLike
1,073FollowersFollow
3,207FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!