Fadhigii ugu adkaa ee Barlamanka oo Goor dhow bilaabanaya & Wasiirka Amniga oo wajahaya..

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa la filayaa inuu goor dhow furmo iyadoo su’aalo lagu weydiin doono wasiiro iyo taliyeyaasha ciidamada ee qaabilsan arrimaha Amniga.

Fadhiga maanta ayaa ah mid xiran oo saxaafadda bannaanka ka joogto, waxaana su’aalaha ugu adag la weydiin doonaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow oo si weyn xildhibaanada ay doonayaan inay culeys u saaraan, waxaana wehliya Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyeyaasha milateriga, Booliska iyo Aslubta.

Farriin loo diray xildhibaannada ayaa xalay laoou sheegay inay kulanka maanta uu yahay mid xiran, waxaana xildhibaannada ay u kala qeybsan yihiin taageerayaasha xukuumadda iyo kuwo mucaarad ah.

Ad

Xaaladda amniga Muqdisho ayaa kasii dartay muddooyinkii ugu dambeeyay iyadoo wadooyinka badan la xiray, markii qaraxyadu kordheen, waxaana markaas kadib bilowday ciriiri ka dhashay isu socodka dadka iyo gaadiidka Muqdisho.

Ciidamo ka wada tirsan Booliska iyo Milateriga ayaa iska hor imaadyo ku dhex maray caasimadda, waxayna askarta cusub ee Booliska ay toogasho ku dilaan darawallada Bajaajta, taasoo xaaladda uga sii dartay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

121,092FansLike
801FollowersFollow
2,977FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!