Sunday, July 13, 2025

Wasiir Goodax oo taageeray Arday ku bannaan baxday Wasiirka Waxbarashada Puntland & Farriin cusub… (Daawo)

Wasiirka Waxbarashada xukuumada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo jawaab u diray arday Dugsi sare oo ku yaalla magaalada Boosaaso oo si weyn uga hor yimid hadal kasoo yeeray wasiirka waxbarashada Puntland.

Wasiiir Goodax ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaalka ardayda Bosaso Public Secondary School oo cabasho ka ah wasiirka waxbarashada Puntland C/llaahi Maxamed Xasan oo booqday shalay iskuulkaasi oo ka mida kuwa ugu waaweyn uguna caansan degaanada Puntland, iyadoo sheegay inay Soomaali yihiin oo aysan dooneyn Puntland, balse taageersan yihiin dowladda Federaalka iyo shahaadadda ay bixiso.

Wasiir Goodax oo ka faa’iideysanaya arrintan ayaa ardaydaasi farriintan u diray: “Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si u helo waxbarasho dhameystiran, isla markaana u qaato shahaado caddeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barta deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka”

Wasiirka Waxbarashada Puntand ayaa kormeer ku tegay dugsiga Bosaso Public Secondary School, waxaana khudbadii uu u jeediyey ardayda ka mid ahaa in shahaadada Puntland laga aqoonsan yahay dibadda, dalka Uganda uu ku arkay arday laga aqbalay, taasoo ka careysiisay ardayda qaarkood.

Wasiir Goodax ayaa mar kale uga sii daray xiriirka sii xumaaday ee u dhaxeeya maamul Goboleedka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON