Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa u jawaabay xildhibaan Mahad Salaad oo ka mida mucaaradka madaxda dowladda Federaalka, isagoo ku tilmaamay kuwo siyaasadda ka dhacsan oo wadaniyadoodu liidato.
“Waan arkaayay baraha bulshada arrimaha Soomaalida oo xildhibaanno ka hadlayaan, aniga xildhibaannadaas waxaan aaminsahau inay yihiin xildhibaanno siyaasadda ka dhacay oo dowladnimada iyo wadaniyadooda ay aad u hoosayso ”. ayuu yiri Wasiirka waxbarashada C/llaahi Goodax Barre oo dhaliilay in dugsi ay dowladda la wareegtay lagu tilmaamo mid dowlad kale amarkiisa bixisay.
Isgoo wareysi siiyey BBC-da ayuu sheegay wasiirka inay dadnimo xumo tahay waxa ay faafiyeen xildhibaannadaas, isagoo yiri: “Go’aan iskuul ku yaalla Xamar oo dadkeenna aan ugu adeegeyno inay yiraahdaan dowladda amar ayaa meel laga soo siiyay waa u wadaninimo xumo waana u dadnimo xumo. Waxay rabaan oo kale ha sameeyaan laakiin inay tacliinta siyaasadeeyaan waa u dadnimo xumo”.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa faafisay War ku saabsan in la wareegidda Dugsiga 15-ka May ee dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday uu yahay mid loogu daneynayo dowladda Itoobiya.!