Dood cusub ayaa ka dhalatay garoonka degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose, kaasoo dhowaan uu xariga ka jaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, markii la dayactiray.
Sawirro laga soo qaaday Roob ku da’day garoonka Baraawe ayaa mar kale dhaliyey laba kacleyn xoogeysatay oo ku saabsan lacagta ku baxday dayactirka garoonkaasi iyo su’aalo badan oo ku saabsan sida lacag dhan 4.3 Milyan oo Doolar loogu kharash gareeyay garoon gebigiis carro ah.
Dadka intooda badan ayaa si wen u dhaliilay wakiilka Midowga Yurun u jooga Soomaalida Nicholas barega oo hore u difaacay dhismaha Garoonka, isagoo ku dooday in garoonka dhismihiisa ay qarisay carro, balse markii roobkii dhowaan da’ay uu garoonkii qeybo ka mida qaaday ayey caddaatay in garoonka aan dhisme lagu sameyn.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo hore u sheegtay inay dayactirka garoonka iska kaashadeen Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya ayaa markii ay soo baxday fadeexada ka taagan dhismaha garoonka Baraawe waxay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iska fogeeyeen arrintan, iyagoo sheegay in Midowga Yurub uu qandaraas ku siiyey shirkad gaara oo aysan dowladda wax shaqo ah ku lahayn.
Baraha bulshada siiba twitterka ayaa olole weyn ka socdaa oo looga horjeedo qaabka loo dhisay Garoonka Baraawe iyo lacagta la sheegay inay ku baxday, waxayna dad badan oo ay ka mid yihiin qaar heysta dhalashada dalalka Midowga Yurub dalbadeen in baaritaan lagu sameeyo sida 4.3 Milyan Doolar ugu baxday garoonka carrada ah ee Baraawe.
