Wasiirkii hore ee Howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya ayaa kashifay lacagta ay dowladda Soomaaliya ku bixisay Doorashada Maamulka K/Galbeed.
Eng. Saalax Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay lacag gaareysa 3,0000,000 (Saddex Milyan oo Doolar) ku bixisay Doorashada Kursiga Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed oo maanta uu ku soo baxay musharaxii ay dowladu wadatay ee C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Wasiirkii hore ee howlaha guud, kana mid ahaa musharixiinta isu soo taagay xikan ayaa sheegay in maamulka K/Galbeed ay ku nool yihiin 1 Milyan oo barakacayaal, isla markaana aysan is qaban karin inay lacag 3 Milyan ah ku baxdo hal Kursi.
Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo had iyo jeer sheegata inay la dagaalanto musuqmaasuqa ayaa u muuqata inay laba jibaartay.