Wednesday, June 25, 2025

Wasiir hore oo shaaciyey in Ciidamada NISA ay Gurigiisa ku weerarreen Xalay Saqdii Dhexe

Wasiir ku xigeenkii hore ee howlaha guud iyo Guryeynta Soomaaliya Maxamed Cumar Geedi oo ayaa maanta shaaciyey inay Gurigiisa ay xalay ku soo weerarreen ciidamo ka tirsan hay’adda nabad-sugida ee NISA oo ay argagax geliyeen qoyskiisa.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho Mudane Geedi ku eedeeyay Ciidamda NISA inay bartilmaameedsanayaan dadka dhaliila dowladda Somalia, isagna lagu heysto oo kaliya inuu dhaliilo hoggaanka dalka.

Wasiirka hore ayaa sheegay inuu degan yahay meel u dhow Xabsiga Godka Jilacow, ayna ka war hayaan ciidamada, laakiin si bareer ah Gurigiisa saq dhexe kadib ugu soo dhaceen ciidamada NISA oo uu watay taliye Jaabiri sida uu yiri, kuwaasoo weydiiyay su’aalo ku saabsan inuu mucaarad ku yahay dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON