Wasiiru dowlihii madaxtooyada iyo arrimaha Federaalka Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa shaciyey inuu iska casilay xilkii uu hore u hayay, isagoo diiday xil cusub oo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu doonayey inuu u magacaabo.
Wasiir Saalax oo ahaa mas’uulka kaliya ee ka mid ahaa xukuumadii C/weli Gaas oo xil ka qabtay maamulka cusub ee Madaxweyne Deni ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa FB wuxuu ku caddeeyay qaatay go’aanka is-casilaadda kadib markii uu si weyn uga fekeray, isagoo go’aansaday inuusan qaban xilka cusub ee loo magacaabay toddobaadkii hore aha Wasiiru dowlaha wasaarada Cadaalada, Diinta iyo Dastuurka Puntland.
“Waxaa sharaf weyn ii ahayd inaan shacabkayga aan u soo adeegayay 4 sanno ee la dhaafay, lana soo shaqeeyy xukuumadda madaxweyne Gaas. muddo 4 biloodna aan la soo shaqeeyay xukuumadda Deni, waxaan qabtay intii aan awooday, iyadoo ay tabartu yareyd..” ayuu yiri Wasiir Saalax Xabiib
Wasiir Saalax Xabiib ayaa hore u soo qabtay xilka wasiirkii cadaalada iyo arrimaha diinta ee xukuumadii Gaas oo muddo dheer uu la howlgalay, waxayna arrintan salka ku heysaa awood qeybsiga beelaha Puntland oo beesha siyaasigan ay si weyn u dhaliilsaneyd.