“Afka Koonfur Galbeed waxaa ku hadli karo oo kaliya qof xur ah oo ugu yaraan kursiga uu ku fadhiyo u madaxn banaan”
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa jawaab kulul siiyey guddoomiyihii Baarlamaanka 10-aad Maxamed Mursal Sheekh oo xalay dalbaday in la taageero madaxweynaha K/Galbeed, kuna difaacay doorashada uu qabtay.
Wasiir Jaamac oo ka mida saaxiibada R’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble una sharxan kursi ka mida kuwa la sheegay in dib loo dooranayo ayaa qoraalkiisa ku yiri :”Dooda kuraasta FEIT ay dib u celisey waxa ay quseysaa beelaha sida gaarka ah u leh kuraasta ee gudiga qaran u gudbiyay cabashooyinkooda”.
Wuxuu arrin yaab leh ku tilmaamay in siyaasi beel kale ka soo jeedo ‘Mursal’ uu afka la galo ka hadalka kuraas beelihi lahaa faraqa heystaan, xilli isagu uusan meel ku sheegin kuraasti la xijinaayay.
“Afka Koonfur Galbeed waxaa ku hadli karo oo kaliya qof xur ah oo ugu yaraan kursiga uu ku fadhiyo u madaxbanaan. Hadallada dadka qaar ka soo yeeraayo waxa ay khatar weyn u horseedi karaan dalka oo dhan, musuuliyadana lama wada qaadi doono e’ waxaa qoorta loo suri doonaa qofki balaayada u wanqalay” ayuu qoraalkiisa ku gabagabeeyay Wasiir Jaamac oo weerar toos ah oo afka ah ku qaaday Maxamed Mursal.
Wasiirka ayaa Golaha wasiirada xukuumadda Rooble uga mid noqday, isagoo taageero ka helay Maxamed Mursal, laakiin saaxiibtimadii ka dhaxeysay ayaa burburtay tan iyo markii uu Wasiir Jaamac ka mid noqday saaxiibada Ra’iisal wasaare Rooble.
