Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Villa Somaliya ee Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska Andrew Mitchell oo maanta soo gaaray Muqdisho.
Kulanka ayaa ku saabsanaa xiriirka labada dal ee Somaliya iyo UK iyo xoojinta taageerada muhiimka ah ee dowladda Ingiriisku ay siiso Soomaaliya, iyadoo kulanka ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood.
War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Wasiirka UK la wadaagay guulaha dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u xoreynta dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad dhiska.
Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska mudane Andrew Mitchell ayaa sheegay in dowladda UK ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha iyo fududeynta in Soomaaliya ay hesho mashaariicaha horumarineed iyo kuwa lagula tacaalayo saamaynta isbaddalka cimmilada isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.
