Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa kashifay qorshe siyaasadeed oo dowladda Somalia ka qaadatay inay kula dhaqanto Kenya, kadib xiriirka xumaaday ee Somalia iyo Kenya.
Dowladda Somalia ayuu sheegay inay dooratay inay ka aamusto falalka Kenya ay wado, taasina ay wadi doonaan, ilaa ay Kenya ka qaboobeyso, isla markaana ay dowlad ahaan dhibeyso inay maamul Goboleedyada dalka ku shiraan sida uu yiri ninkii Bud-ka u heystay, sida uu yiri.
“Walaalaheen Kenya xagey Garuun ku dhuftaan, xagey dhagax ka tuuraan, xagey Bud ku dhuftaan.. anagana waxaan door bidnay aamusnaan.. taas ayaana wadeynaa.. maxaa yeelay haddii ay xanaaqsan yihiin waa in loo miiriyaa inta ay ka qaboobayaan.. siyaasad noocaas ah ayaan kula dhaqmeynaa…” ayuu yiri Wasiir Goodax oo markii ugu horeysay kashifay siyaasadda ay dowladda Somalia kula dhaqmeyso dalka Kenya oo xiisad kala dhaxeyso/
Wasiir Goodax oo ka hadlayay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay in madaxda maamul Goboleedyada ay ku shiri karaan gudaha dalka, ayna jiraan meelo kale oo ka haboon inay Kenya shir ku qabsadaan.