Sunday, July 13, 2025

Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo u digay Guddoomiye Mursal [Kala diristii Guddiga Maaliyadda oo…]

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa  la sheegay inuu ka hor yimid go’aanka guddoomiye ku xigeenka koowaad ku kala diray Guddigii Maaliyadda Baarlamaanka.

Guddoomiye Mursal oo ku maqan dalka Turkiga ayaa la sheegay inuu wadahadal dhex maray ku xigeenkiisa C/weli Sheekh Muudey, balse aanu taageerin qaabka loo kala diray Guddiga Maaliyadda oo muran ka dhex taagnaa, iyadoo madaxda dowladda Federaalka uu si cad ugu sheegay inuusan waafaqsaneyn arrintaasi.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mida xubnaha sida weyn ugu ololeeya qorshaha xukuumadda ayaa uga digtay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal inuusan waxba ka bedeli karin go’aanka lagu kala diray Guddiga Maaliyadda ee uu gaaray Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudeey.

“Imaanshaha Guddoomiye Mursal waxba kama bedeli karto qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey” ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye oo si weyn u taageertay go’aankaasi

Haddii uu Guddoomiye Mursal si cad uga hor yimaado arrintan ayaa waxay keeni kartaa in guddoonka kala qeybsamo, laakiin waxaa la ogyahay inuu dhinaca inuu gacansaare la leeyahay madaxda sare ee dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON