Friday, June 27, 2025

Wasiir ka tirsanaa Puntland oo Muqdisho ugu geeriyooday Cudurka Coronavirus

Wasiirkii Deegaanka iyo Beeraha maamulka Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo xaalad caafimaad loo keenay.

Wasiirka ayaa dhowaan diyaarad gaara lagu geeyay magaalada Muqdisho markii uu ku xanuunsaday magaalada Garowe, waxaana ku dhacay Cudurka Covid-19, kaasoo ku reebay saameyn hab-dhiska neefsashada, iyadoo ugu danbeyn uu cudurkaasi u geeriyooday.

Ismaaciil Gamadiid ayaa ka mid noqday Wasiirada uu magacaabay Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni, wuxuuna la soo shaqeeyay dowladii Kacaanka isagoo ka tirsanaa wasaaradaha Waxbarashada iyo Daaqa Qaranka dowladda Soomaaliya.

Marxuum Ismaaciil Gamadiid wuxu dagaaladii sokeeya kadib ku noolaa dalalka New Zeland iyo Australia, intii aanu kusoo laaban Puntland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON