Tuesday, June 24, 2025

Wasiir ku-xigeen ka tirsan Jubbaland oo laga helay Cudurka Coronavirus, kana hadlay xaaladiisa

Maamulka Jubaland ayaa maanta shaacisay in wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka dowlad goboleedkaasi  Mahdi Muxyadiin Maxamed laga helay cudurka Coronavirus.

Wasiir ku xigeenka ayaa ka mid ahaa dad laga baaray cudurka Covid-19 oo ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka, wuxuuna noqday qofkii lixaad ee ku sugan degaanadda Jubbaland oo laga helo cudurka.

 Mahdi Muxyadiin Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in 21-kii Bisha April uu iska dareemay cudurka markii isku arkay hindhisyo badan, kadibna uu Guriga joogay, isagoo maalmo kadib ay xaaladiisu sii xumaatay, isagoo la xiriiray Guddiga Jubbaland u qaabilsan Coronavirus, iyadoo xaaladiisa lala tacaalay, haddana uu dareemayo xaalad soo hagaageyso.

Baaritaanka uu sheegay in laga qaaday Axadii hore isagoo maanta oo Arbaco ahna uu helay Jawaabta oo ah inuu qabo cudurka Covid-19, wuxuuna caddeeyay inuusan ogeyn haddii uu dad kale ka qaadeen, laakiin markii uu cudurka dareemay uu si weyn ugu dadaalay, iskana dhowray dadka.

Xaaladda caafimaad ee wasiirka la sheegay inay fiican tahay, wuxuuna ku jiraa is-karaantiil uu ku galay Gurigiisa, magaalada Kismaayo markii uu cudurka isaga shakiyey, waxaana markii danbe la xaqiijiyey inuu cudurku qabo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON