Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay jiritaanka shaqaale gaaraya 16 shaqaale oo Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ka ceyrisay wasaaradda.
War Saxaafadeed uu soo saaray Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka C/rashiid Maxamuud ayuu ku sheegay markii uu baaray arrintan inay jirto arrintan oo ah in si sharci darro ah 16 shaqaale looga eryay Wasaaradda.
Wuxuu wasiir ku xigeenka ku amray shaqaallaha la eryay inay sii wataan shaqadooda inta ay Caddaalad ka helayaan, arrintoodana uu gaarsiiyey madaxda dowladda si tallaabo looga qaado.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
War-saxaafadeed
Xafiiskayga waxa soo gaartay cabashada shaqaale gaaraya 16 shaqaale ah oo ka tirsan wasaaradda gargaarka iyo MM ayna la socoto caddeemo iyo xog badan oo xaqiijinaya in shaqadoodii looga saaray hab sharci darro ah, Ka dib baaritaan uu xafiisku sameeyey waxa u soo baxday in tallaabadaas shaqo-kasaarista ah iyo tacadigaas xuquuqda shaqaalaha 16 ka ah ay jirto, waxayna baalmarsantahay xeerka shaqaalaha iyo xeerarka kala duwan ee JFS iyo dastuurka KMG ah.
Waxayna sidoo kale ka hor imaanaysaa amarkii ka soo baxay xafiiska ra’iisul Wasaaraha Tix:XRW/0237/05/2021, Tr:26/05/2021. Natijada baaritaanka iyo lifaaqyada la socda waxaan la waadagnay xafiisyada ay khuseyso si looga qaado tallaabada sharci ee ku habboon qof kasta oo tacadigaas iyo falkaas guracan ku lug leh.
Waxa la ogaysiinaya shaqaalahaas cabashada soo-gudbiyey in ay shaqadooda sii wataan inta ay ka helayaan caddaalad, mana dhacayso xilligaan kala-guurka ah in xuquuqda muwaadiniinta lagu xadgudbo ayadoo laga faa’idaysano xaaladda doorashada dalku ku jiro.
Waxaa la farayaa agaasimaayaasha iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda in ay u gutaan shaqadooda si hufan oo waafaqsan dastuurka KMG, xeerarka JFS iyo amarkii ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Wasiir-kuxigenka wasaaradda gar-gaarka & MM
Abdirashiid Mohamud Hassan