Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa sheegay in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu tegi doono magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka cusub ee Hirshabeelle.
Odowaa oo ka hadlayay xaflad kooban oo magaalada Jowhar lagu soo dhoweeyay labadii Ugaas ee ku harsanaa magaalada Beledweyne oo kala ah: ayaa sheegay inay sugayaan Ugaas Xasan inuu yimaado magaalada Jowhar, isla markaana la dhameystiro dhismaha maamulka labada gobol.

Ugaas Xasan ayaa hadda keligiis ku haray magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay inuu hore u ogolaaday inuu tago magaalada Jowhar markii ay cadaadis saareen Beesha caalamka.
http://goobjooge.com/kashifaad-ugaas-xasan-oo-laga-sugayo-muqdisho-kuna-biiraya-shirka-jowhar/
Goobjooge.com