Monday, June 23, 2025

Wasiir Oomaar iska diiday xilkii loo wareejiyey ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada (Akhriso)

Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa iska diiday xilka loo wareejiyey ee wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo uu go’aankan qaatay, sidaasina uu wareegto kusoo saaray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble shalay. (AKHRISO)

Qoral uu soo saaray Wasiir Oomaar ayuu ku caddeeyay inuusan qaban karin xilka wasaaradda loo wareejiyey, taasoo ay ugu wacan tahay sida uu yiri duruufo Qoys iyo kuwo shaqsiyeed, kana cudurdaartay.

Ad

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA

Waxaa sharaf ii ah in shalay oo ay taariikhdu ahayn April 11 2021 la Ii magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda wasaaradda. Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn.Waxan uga mahadnaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaaraha fursadda qaaliga ah ee ay ii siiyeen inaan u adeego inta tabartayda ah waddanka iyo shacabka Somaliyeed. Muddadii aan xilka u hayay ummadda Soomaaliyeed waxaa suura gal ah in uu khalad iga dhacay, ma khaldame waa Ilaah. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay iga cafiyaan khaladaadka laga yaaba inuu iga dhacay.NB: Go’aankani ma aha mid siyaasadeed ee waa mid shakhsi.
Waxaan mar walba ahay garabka Madaxweyne Farmaajo (N&N).

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON