Monday, June 23, 2025

Wasiir Sabriye oo shaaciyey heshiiskii Qarsoodiga ahaa ee Dowladda Federaalka & Ahlu suna [Qodobka ugu halista badan]

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka, Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo xalay la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay heshiiskii Qarsoodiga ahaa ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu suna.

Heshiiska ayuu sheegay inuu ka koobnaa 10-ka qodob oo ay wada saxiixeen Dowladda federaalka iyo kooxda Ahlusunna, isagoo ka akhriyey qodobadda heshiiska kulanka uu ka qeyb galay, waxaana ka mida qodobo saameynaya ciidamada, caasimadda Galmudug iyo doorashada Galmudug ee lagu dhisayo dowladda cusub.

Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo caddeeyay in Dowladdu ay ku dadaaleyso in reer Galmudug ay helaan dowlad gobaleed loo dhan yahay oo ay fulisay heshiiska, isla markaan wuxuu ku eedeeyay Ahlu suna aysan soo xigan qodob ka mida heshiiska oo la jebiyey, balse mar kasta sheegto in la jebiyey heshiiska.

Qodobka ugu halista badan ee ka muuqday heshiiska uu akhriyey Wasiir Sabriye ayaa ahaa: In Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka iyo Madaxda Xukuumadda Galmudug ay wadajir u magacaabaan Guddiga soo xulaya Baarlamanka cusub ee Galmudug, arrintan oo khilaaf hor leh keeni karta.

Heshiiskan oo aan hore loo shaacin ayaa hadda uun ay shaacisay dowladda Federaalka markii ay isku dhaceen hogganka Ahlu suna, waxaana jira qodobo hoose oo labada dhinac aanay sheegin sida lacago la kala qaatay iyo mudnaan la siiyey Ahlu suna oo ah halka arintu ka qaraxday. iyadoo aanay jirin labada dhinac dhexdhexaadin karta xilligan.

Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay Ahlu Sunna aaaa wada saxiixay Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka iyo madaxa fulinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, intii aanu madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf shaacin inuu burburay heshiiskii Galmudug iyo Ahlu suna, taasoo Sheekh Shaakir ka dhigeysa inuusan wax xil ah ka heynin maamulka Galmudug.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON