Monday, June 23, 2025

Wasiir shaaciyey xilliga lasoo Gabagabeynayo Shirka Muqdisho ee Wadatashiga Doorashada

Wasiirka Amniga xukuumaddax xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale ayaa laga soo xigtay in dhowaan lasoo gabagabeynayo shirka Qaran eewadatashiga Doorashada oo Muqdisho ka furnay 22-kii May 2021.

“Waxyaabaha qaar waa laga wadahadlay, bilow wanaagsan ayuu ku furmay.. lagama hordhici karo oo lama dhihi karo maalin hebel ayuu soo xirmayaa, laakiin rajada waxay tahay inaan aad loogu daahi doonin, ilaa ilaa Isniinta uu soo dhamaan doono shirka, laakiin waa dhici karaa in maalin iyo laba ku darsado..” ayuu yiri Wasiir Xundubey oo wareysi isiyey Warbaahinta Dowladda.

Wuxuu intaas kudaray in arrimaha laga wadahadlayo hore la iskula meel dhigay, iyadoo arrimaha tifatirka u baahan ay tahay in la isla meel dhigo, wax dhibaato ahna aysan ka taagneyn arrimaha Amniga.

Ad

“Amniga waa hooska Siyaasadda oo haddii heshiis laga gaaro wuu fududaanayaa Amniga sugistiisa, Kalsooni iyo is faham guud ayaa dhacay, waxaana ay baabi’iyeen wax badan oo laga cabsi qabay in ay dhacaan, maanta ma taagno welwel badan oo keliya waxaa la sugayaa in lagu heshiiyo Shirka oo la dhammeystiro howsha la sugayo, ciidamada ammiga waa ay u diyaarsan yihiin sidii ay u ilaalin lahaayeen Goobaha Doorashooyinka” ayuu yiri Wasiirka.

Mar uu ka hadlay in siyaasiyiin kale ay shirka ku biirayaan ayuu sheegay in shirku ku furay saxiixayaashii, weliba aan arrintaasi weli la isla meel dhigin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON