Wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Baarlamaanka Federaalka ku dhegan yahay ayaa xaaladda siyaasadda Soomaaliya ku sifeeyay mid qaawan.
Wasiir Xoosh ayaa sheegay in la joogo waqtii la oran lahaa in xaaladda siyaasadda Soomaaliya xilligan mareyso ay tahay xaalad qaawan oo maro-ka-dhac ah, isla mrkaana aan cimaamad lahayn markii uu ku tilmaamay (“Emperor” has no clothes).
Wasiirka oo bartiisa FB soo dhigay farriin si maldahadan u qoran oo loo adeegsaday halheys sarbeeb ah oo uu ka soo dheehday sheeko uu qoray qoraaga Denish-ka ah ee Hans Christian Andersen, taasoo ku saabsan qisada la yiraahdo “Dharka cusub ee boqorka- The Emperor’s New Clothes-“.
Farriin kale oo wasiir Xoosh soo dhigay barta twitter-ka ayuu ku sheegay in nasiibdarro ah casharka la bartay toddobaadkan ee ah in kuwo uu ku tilmaamay inay xiisado abuuraan ay haddana ajendooyinka sameeyaan.!!!
Jawaabaha iyo farriimaha Wasiir Xoosh soo dhigayo baraha bulshada xilli uu sheega inuu xaalad caafimaad u safray ayaa uga sii daraya xaaladda kacsan ee Barlamaanka ka dhex jirtay, waxayna culeys kale ku noqon doontaa xildhibaanada yar ee taageersanaa in xaaladda aan looga sii darin.
Fasirka qoraalka hore ee Wasiir Xoosh ayaa la oran karaa wuxuu ula jeeday in Baarlamaanka Soomaaliya uu kashifmay heer ay Maradii ka dhacday iyo in xildhibaanada warbaahinta ka wada ololaha ka dhan ah xukuumadda ay noqdeen kuwa dejiya ajendayaasha Baarlamaanka, taasoo ah sida uu u arko xaqiiqo laga xumaado.