Saturday, July 19, 2025

Wasiirada cusub ee xukuumadda Kheyre oo maanta bilaabaya inay xilalka la wareegaan

Wasiirada xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa maanta bilaabaya in ay xilalka kala wareegaan wasiiradii xilka sii hayay.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa qorsheeyay in toddobaadkan ay ku idlaato xil wareejinta wasiiradiisa cusub. Wasaaradaha maanta xilalka wareejinaya waxaa ka mida Maaliyadda, Igaarsiinta, Kalluumeysiga iyo kuwo kale.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu horeeya wasiirada xilka la wareegaya, taasoo ay ugu wacan tahay xaaladda wasaaradda maaliyadda oo ah mid xasaasi ah, isla markaana aanay jirin wax miisaaniyad ah oo dowladda cusub ay ku shaqeyneyso.

Qaabka shaqo ee wasiirada cusub ayaa isbedel ku yimid, waxaana Ra’iisal wasaare Kheyre uu Xeerar adag ku soo rogay wasiirada oo ah inay dhowraan waqtiga, diyaarna u noqdaan isla xisaabtan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON