Sunday, July 13, 2025

Wasiiradii Amniga iyo Arrimaha Gudaha oo xilalkii wareejiyey & Ra’iisal wasaare Rooble oo… (Sawirro)

Wasiirada Amniga iyo Arimaha Gudaha xukuumadii hore ee Soomaaliya ayaa maanta xilalka ku wareejiyey wasiirada cusub ee loo magacaabay munaasabado uu goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa xilalkii ku wareejiyey Xasan Xundubey Jimcaale iyo Mukhtaar Xuseen Afrax, sida ay u kala horeeyaan, waxaana xafladihii xilalka ay ku wareejinayeen ku sugnaa Ra’iisal wasaaraha oo markii ugu horeysay xilal u kala wareejiyay Golaha wasiirada cusub.

Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha ayaa saaxiibo dhow la ahaa Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, waxayna kasoo jeedaan Beesha Ra’iisal wasaarihii hore iyo kan cusub, iyadoo dhaqdhaqaadooda la waayey tan iyo markii ay dhacday xukuumadii hore.

Xil wareejinta ayaa waxaa qaabilsanaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, wuxuuna Ra’iisal wasaare Rooble bogaadiyey Wasiirkii xilalkii banneeyay iyo shaqooyinkii ay soo qabteen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON