Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ciidamada ammaanka
ay soo afjareen weerarkii lagu qaaday xarunta dembi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in saddex dabley ah oo ka tirsan Alshabaab ay gudaha u galeen xarunta CID-da, kuwaasoo ay ciidamada dileen, iyadoo doonayay inay gumaad ka geystaan xarunta CID-da.
UGUS ayaa qaraxyo kusoo qaaday Xarunta #CID & Sadax dabley ah oo doonayay weerarka kadib inay Gumaadan shacabka waxana soo afjaray Ciidanka
— INTERNAL SECURITY MN (@MoIS_Somalia) July 31, 2016
Xarunta CID-da ayaa ka sokow inay tahay xarunta lagu baaro dembiyada waxaa lagu hayaa maxaabiis badan oo ay ka mid yihiin qaar lagu tuhunsan yahay inay Alshabaab ka mid yihiin.
Alshabaab oo sheegtay weerarkan ayaa dhowr jeer oo hore weeraro la beegsaday xarunta CID-da Muqdisho.
Goobjooge.com