Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Gudaha ayaa shaqada ka fariisiyay mid ka mida taliyeyaasha booliska degmooyinka Gobolka Banaadir.
Wasiirka Amiga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa amarkan soo saaray goor dhoweyd, waxaana shaqada laga joojiyay Taliyaha Saldhigga Booliska X/weyne G/lle Dhexe Cabdiqaadir Axmed Shire.
Wasiirka ayaa si kumeelgaara xilka taliyaha degmada Xamarweyne ugu magacaabay Gaashaanle Siidow Macallin Isaaq oo ahaa taliye ku xigeenka saldhigga.
Xil ka qaadista taliyaha saldhiga X/weyne ayaa yimid kadib markii uu wasiirku xalay saq dhexe booqday saldhiggaasi.
Arrintan ayaa noqoneysa tallaabadii ugu horeysay ee uu qaado wasiirka oo dhowaan xilka la wareegay, iyadoo wasiirku dardar iyo kormeero joogto ah la soo baxay.
Goobjooge.com