Thursday, June 26, 2025

Wasiirka Amniga oo bixiyay Amar ku saabsan Wadooyinka iyo isu socdka magaalada Muqdisho

Wasiirka Cusub ee Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa soo saaray amar ku saabsan isku socodka magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaale ayaa  amar ku bixiyay in dhagaxaanta laga qaado wadooyinka aan muhiimka aheyn ee lagu jaray dhagaxaanta waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Amarkan ayuu ku sheegay wasiirka in loo baahan yahay inaa la xayirin lana ciriiri gelin isu socodka Bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna amray in si deg eg ah loo furo Wadooyika muhiimad ammaan ee weyn lahayn oo xiran dadka kala duwan.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Cabdi Shukri Macalin ayaa saxaafadda uga warramay amark furista wadooyinka, iyadoo laga bilaabay xarunta wasaaradda amniga.

Inta badan wadooyinka Muqdisho ayaa dhagxaan lagu gooyay, waxaana amarro badan oo hore loo soo saaray ay noqdeen kuwo dhaqan geli waayay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON