Wasiirka Amnniga xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa amar degdeg ka soo saaray howlgalka ka socda Baarka Banaadir ee Xeebta Liido.
Wasiirka ayaa ku amray dadka ku dhow Xeebta Liido iyo goobta qaraxu ka dhacay, inaysan wax dhaqdhaqaaq ah sameyn oo ay ku ekaadaan Guryahooda, Hoteelada iyo goobaha ay ku sugan yihiin.
Wuxuu wasiiru ugu yeeray dadka halkaasi ka ag dhow inaysan gelin agagaarka Liido oo howlgalku ka socdo oo aanay isku dayin inay kasoo ag dhowaan Banadir Beach Restaurant.
#DIGNIIN Dadka kudhaw Goobta uu Qaraxu kadhac haku ekaadaan Guryahooda & Hotel-lada ay kujiraan Gawaridana yaysan soo galin agagaarka Liido
— INTERNAL SECURITY MN (@MoIS_Somalia) August 25, 2016
Goobjooge.com