Friday, June 27, 2025

Wasiirka Amniga oo Hay’adda NISA ku Amray in Taliska & Ciidamadeeda kala baxdo Garoonka Muqdisho

Wasiirka Amniga xukuumadda xilgaarsiinta ayaa soo saaray amar xukuumadda kasoo baxay oo Garoonka Diyaradaha Muqdisho looga saarayo taliska Nabadsugidda iyo ciidamadooda.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in guud ahaan Amniga Garoonka uu la wareego Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoo la go’aamiyey in dib looga soo celiyo Garoonka dhammaan taliska iyo ciidanka NISA ee ka howl gala gudaha garoonka laga bilaabo 02 Janaayo 2022 .

Wasiirka oo faahfaahin kale bixiyey ayaa sheegay in ciidamada laga saarayo Garoonka ay yihiin kuwa Dhar-cadka ah ee ka hex shaqeeya garoonka, balse aanu amarka saameyneynin ciidamada ilaalada wadooyinka laga galo Garoonka.


HOOS KA AKHRISO QORAALKA

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
WASAARADDA AMNIGA GUDAHA
XAFIISKA WASIIRKA

REF: WAG/XW/2010/22 Tr: 01/01/2022

Ku: Ku-simaha Agaasimaha Ha’yada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka
Ku: Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Ku: Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aden Abdule International Airport
Ku: Maareeyaha Guud ee Maamulka iyo Amniga Garoonka
Og: Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga
Og: Wasiir Ku/xigeenka Wasaaradda Amniga
Og: Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga
Og: Wasriirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
Og: Ra’iisul wasaaraha XJFS

Ujeedo: Sugidda Amniga Garoonka Aden Abdulle International Airport

Kadib marki ay ka dhaceen gudaha garoonka isku halayn amni oo kaliftay dayacaad amni oo balaaran maadaama mas’uuliyadda amniga ee garoonku qaybsantahay kuna jirin hal gacan oo qura Kadib marki ay bateen cabashooyinka ay kasoo gudbiyeen ha’yadaha dowladda ee kahowl gala gudaha garoonka ciidamada NISA oo kukaca xadgudubyo isugu jira gacan qaad iyo handadaado joogta ah lehne cadaymo buuxa.

Waxaa la go’aamiyay lana farayaa in guud ahaan Amniga Garoonka uu la wareego Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana lagula xisaabtamayaa Saldhiga Garoonka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kaliya mas’uuliyadda amni ee garoonka wixi ka danbeeya 02 Janaayo 2022.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyay in dib looga soo celiyo dhamaan taliska iyo ciidanka NISA ee ka howlgala gudaha garoonka laga bilaabo 02 Janaayo 2022.

Hadabba Waxaa lafarayaa kusimaha agaasimaha ha’iadda NISA in uu ku wareejiyo dhammaan mas’uuliyada amni ee ay hore gacanta hayeen ciidanka NISA si buuxda ciidanka booliska dibna ula soo laabto dhammaan taliska iyo ciidanka ka howl gala gudaha garoonka mana jiro wax ciidan NISA ah oo kahowl gelaya ama hub lageli kara gudaha garoonka marka laga reebo ciidamada ku sugan xurumaha rasmiga ah ay ku leeyihiin ciidanka Waran iyo Gaashaan ee gudaha Garoonka,

Cabdullahi Maxamed Nuur
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON