Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloww Ducaale ayaa sheegay in ilaa 30 ciidamo ah loo xiray Weerarkii Alshabaab ee ka dhacay Xarunta Otto Otto ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka oo hadlayey ka hor qarixyadii shalay Muqdisho ka dhacay ayaa ku dooday in Ciidamada amaanka ay wax weyn ka qabteen amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inay aaminsan yihiin dadka ka hadlaya jidadka xiran inay yihiin Ashabaab, markii la furana ay qaraxyadu dhacaan.
Wuxuu isbedel aan hore u dhici jirin ku tilmaamay in markii qarax dhaco loo xiro ciidamo iyo saraakiil, wuxuuna xaaladda Muqdisho ku tilmaamay mid isbedel weyn oo amni gaartay uuna jiro isla xisaabtan.
HOOS KA DHAGEYSO