Wednesday, June 25, 2025

Wasiirka Amniga Puntland: “Max’ud Diyaano iyo Qowleysatada tallaabo ayaan ka qaadeynaa, haddii lagu..”

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Gallan oo saxaafadda ayaa ku dhawaaqay in uu diyaar u yihiin xabbad-joojin iyo in wada-hadal la galo. Wuxuu ku eedeyay dagaalka Jen. Maxamuud Diyaano, markii ay weerarreen ciidamo howlgal ku jiray, magaaladiina ay duqeeyeen.

“Ninkaa dhalinyarrada ah ee khaldamay in loo caqli celiyo muddo bil ah ayaan ka dhursugeynay.. Wax natiijo ah ka imaan.. Shalay dagaal ayey bilaabeen, waxayna hoobiyeyaal ku garaaceen magaaladii, mar kalena ay saaka dagaalka bilaabeen, ciidanka waxaanu siinay amar ah inaysan xabad ku ridi karin mid ay isku difaacayaan maahe” ayuu yiri wasiirka Amniga Puntland.

Dowladda Puntland ayuu sheegay inay wax badan xeerisay oo ay dulqaadatay xaaladda magaalada awgeed, iyadoo heysata hubkii waaweynaa oo ay adeegsan kareen, wuxuuna ku eedeeyay dhinaca Diyaano inay Hub Hoobiyeyaal ah la dhaceen magaalada, ayna yihiin rag qowleysato ah oo u taagan diidmada dowladnimada iyo sharciga.

Wuxuu sheegay inay lasoo xiriireen odayaal iyo Isimo nabad wada, balse nimanka qowleysatada ah sida uu yiri ay la hadlaan inay xabadda joojiyaan. “Wax Alla wixii wanaag an h oo xabadda lagu joojinayo oo aan sharciga iyo dowdnimada ka hor imaaneynin diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri C/samad Gallan.

Wuxuu ugu baaqay coid kasta oo nabad ka shaqeyneysa inay diyaar u yihiin wax Alla oo xabbadda lagu joojinayo, ayna qaabilayaan cid ksata oo ugu timaada, balse ay rabaan in la arko shidadda ay wadaan kooxda maleeshiyada ah, haddii lagu guuleysan waayaba ay tallaabo sharci ah ka qaadanayaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON