Saturday, April 20, 2024

Wasiirka Amniga Somalia oo si kulul uga hadlay Dilalka Qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa si kulul uga hadlay dilalka qorsheysan ee ka dhaca caasimadda Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan Muqdisho xaq u lahayn dilal joogto ah iyo amni darro, isagoo ciidamada amniga u diray farriin ah inay sugaan amniga magaalada, isla markaana shacabka ugu baaqay inay la shaqeyaan ciidamada amniga.

Ad

“Muqdisho xaq uma lahan in maalin kasta ama habeen kasta lagu dilo qof muwaadin ah, horayna waan u sheegnay hadana waan ku celinaynaa, waxaan u dhaaranay inaan shacabka har iyo habeen u shaqeyno,” Ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayay bandhig ciidamo sugaya amniga oo ka dhacay Muqdisho.

Wasiir Ducaale ayaa ciidamada ayaa ku dhiirageliyay in ay kordhiyaan dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ay juhdi ku bixineyso sidii Shabaab looga adkaan lahaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON