Monday, July 14, 2025

Wasiirka Arrimaha Boqortooyada Sacuudiga oo la kulmay Wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Caadil Bin Ahmed Al-Jubair.

Kulanka oo ka dhacay Qasriga Ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya la yeelan doono madaxda sare ee boqortooyada Saudi Arabia.

Kulanka ay wada qaaateen ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaaa goob joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada Axmed Ciisa Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

Dhinaca Sacuudiga waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Wasiirku dowlaha Arrimaah Afrika ee Sacuudiga, safiirka Sacuudiga ee Kenya iyo Soomaaliya iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON