Sunday, June 22, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda: “15 daqiiqo ayaa rasaas nagu socotay, Waa isku day Dil siyaasadeed”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Xilgaarsiiinta Cabdi-saciid Muuse ayaa sheegay in lagu soo qaaday weerar uu amray Taliyaha Booliska Gobolka Mudug oo loo adeegsaday gawaarida dagaalka ee Qoryaha Dhashiikaha saaran yihiin.

Qoraal uu boggiisa twiter-ka ku baahiyey ayuu ku sheegay inuu shalay tegay magaalada Gaalkacyo si aan waqti ula qaato qoyskiisa maalmaha ugu dambeeya ee bisha barakeysan ee Ramadaan “Fiidnimadii caawa aniga iyo qoyskayga waxa aanu afurinaynay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad. Waxa aanu gurigayagii ka soo baxnay annagoo lugaynaya oo ay nala socdaan afar ilaalo ah iyo laba sarkaal oo dhar-cad ah” ayuu qoraliisa ku yiri Cabdisaciid.

Wuxuu ka hadaly sidii ay wax u dhaceen iyo cidda weerarka kudoo qaaday. “Gabagabadii casho sharafta waxaa lasooo dhoobay gawaari tikniko ah oo ay ku rakiban yihiin hubka Dhashiikaha, kuwaasoo uu amray Taliyaha Qaybta Booliska Mudug Muumin si ay noo weeraraan. Waxaan ku jirnay ilaa 15 daqiiqo nagu soday rasaas xoog leh..”

Ad

Cabdi-Sacid ayaa sheegay inuu ciidamada ilaaladii la socotay ay fashiliyeen isku day dil oo ahaa mid siyaasadaysan. “Nasiibdarro, hal askari ayaa la dilay Allaha u naxariisto, mid kalena waa la dhaawacay. Nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac culus oo hadda la dhigay isbitaal. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah”

Dhinaca kale maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa wasiir Cabdi-saciid ku eedeeyay inuu khalkhal amni ka waday magaalada Gaalkacyo iyo siyaasad ma-dhaleys ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON