Monday, July 14, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda faahfaahin ka bixiyey sababihii loo eryay Wakiilkii Q/Midoobay ee Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aanka dowladda Somalia shaqadii uga joojisay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Wasiirka ayaa sheegay in wakiilka Q/Midoobay uu ku xadgudbay dhaqanka diblomaasiyadda, isagoo gef weyn ku sameeyay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya, sida uu yiri wasiirka oo wareysi siiyey BBC-da.

“Mr. Haysom wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya, waxayna caay ku tahay dhaqanka UN-ka, wuxuuna gaf weyn ku sameeyay Qaranimada iyo Madax banaanida Soomaaliya..” ayaa yiri Wasiir Cawad oo wakiilka UN-ka ku eedeeyay in wakiilka Qaramada Midoobey uu marar badan sameeyay khaladaad, isagoo la tashan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid tahay waraaqdii uu u  qoray Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow.

Tallabaada qaaday dowladda Somalia ee dalka looga saarayo wakiilkii UN-ka Nicholas Haysom ayaa laga yaabaa inay sii xumeyso xiriirka Q/Midoobay iyo Soomaaliya, ayna keento in taageerada ay bixiso Q/Midoobay la joojiyo. wuxuuna xilkan hayey Mr. Haysom muddo 4 bilood ah oo kaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON