Monday, June 23, 2025

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya oo kashiftay ujeedada socdaalka Ra’isal Wasaare Kheyre [Akhriso]

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay inay booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalkaasi, isla markaasina uu madaxda Kenya kala hadli doono xiriirka labada dal iyo dagaalka argagixisada.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in Ra’iisal wasaare Kheyre uu casuumaad ka helay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, laakiin Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa kashiftay ujeedadda rasmiga ah ee socdaalka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Qoraal ay Monica Juma soo dhigtay barteeda twitterka ayay ku tiri: “Waxaan maanta soo dhoweeyay Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya oo saaka yimid si uu farriin gaara ugu gudbiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta..’.

Lama faahfaahin farriinta gaarka ah ee Ra’iisal wasaare Kheyre u sido Madaxweynaha Kenya, laakiin waxay imaaneysaa xilli Magaalada Niarobi uu 15-kii bishan ka dhacay weerar weyn oo lagu dilay 21 qof, markii Alshabaab weerar ku qaaday dhismaha Dusit D2.

Sidee Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre loogu soo dhoweeyay Magaalada Nairobi [Sawirro]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON