Thursday, July 17, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar oo socdaal aan la shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, lana kulmay..

Wasiirka arrimaha dibadda, ahna Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Qatar ayaa socdaal aan hore loo shaacin maanta ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Mohamed Bin C/raxmaan ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada xukuumadda Somalia, iyadoo kadibna loo galbiyey Madaxtooyada Somalia, halkaasoo uu kulan kulan kula yeeshay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre.

Wafdigan oo ah kii ugu heer sareeyay ee ka socda dowladda Qatar oo Muqdisho yimaada ayaa wadahadal la leh madaxda Soomaliya, iyadoo dowladda Qatar ay tahay saaxiibka ugu dhow ee dowladda Soomaaliya, waxayna mashaariic ka fulisaa Soomaaliya.

Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa maanta xiran, iyadoo amniga si weyn loo sugay, waxayna booqashadu ahayd mid aan hore loo sii shaacin arrimaha amniga dartood.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON