Wednesday, June 25, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo beeniyay Magacaabid been abuur ahayd [Akhriso]

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabelle ayaa beeniyay oo waxbo kama jiraan ku tilmaamay inuu magacaabay guddoomiye ku xigeenka dhinaca  maaliyadda ee maamulka gobolka Hiiraan.

Qoraal shalay lagu faafiyey warbaahinta ayaa guddoomiye ku xigeenka  maaliyadda ee maamulka gobolka Hiiraan loogu magacaabay Jaamac Faarax (Kabaweyne), arrintaas oo wasiirku ku tilmaamay qoraal laga been abuuray.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay inuu la yaabay markii uu arkay warqad dhex socota baraha bulshada oo lagu sheegayo in xilkiisa dib loogu magacaabay guddoomiye ku xigeenka maaliyadda Hiiraan.

“Waa been abuur warqadda meelaha lala wareegayo, cid xil u magacawday ma jirto guddoomiye ku xigeenkii is casilay, warqaddii horey loogu magacaabay ayaa dib loo soo farsameeyey” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu caddeeyay inay baarayaan dad ay ku tuhmayaan iney ka dambeeyeen been abuurka warqadda magacaabidda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON