Monday, July 14, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo markii ugu horeysay ka hadlay Guddiyada la magacaabay iyo Doorashooyinka

Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, isagoo sheegay in doorashadu ku dhici doonto waqtigeeda.

Wuxuu ku adkeystay in Doorashadu ku socoto sidii loogu heshiiyey, ayna ku dhaceyso waqtigii loogu talogalay, wuxuuna intaas ku daray in Guddiyada Doorashooyinka loo magacaabay sidii lagu heshiiyey, loona baahan yahay inaan la carqaladeyn.

“Waxaa socda marxaladihii lagu soo heshiiyey ee Doorasho heshiis lagu yahay… Guddiyada waxaa loo soo magacaabay sidii loogu heshiiyay. Qof waliba oo Soomaali ah oo tartamaya waa u furan tahay.. waxaa muhiim ah in laga ilaaliyo wax kasta oo carqalad ku ah in Doorashadu waqtigeeda ku dhacdo..” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudha oo warbaahinta dowladda ka hadlay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON