Wednesday, July 16, 2025

Wasiirka Caafimaadka Jabuuti & Dhaqaatiir la socota oo ka degay Magaalada Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka Jabuuti Jaamac Cilmi Cukuyie iyo Dhaqaatiir uu hogaaminayo ayaa goor dhoweyd ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wafdiga caafimaad ee Jabuuti waxay u soo gurmadeed dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxyadii Muqdisho, iyagoo wada deeq daawo ah oo ay hore u soo qaadeen sida uu balanqaaday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dalka aan wallaalaha nahay ee Jabuuti ayaa ka mida dalalkii ugu horeeyay ee sida weyn ugu soo gurmaday dadka Soomaaliyeed kadib qarixii lagu hoobtay ee caasimadda Soomaaliya ka dhacay 14-kii Bihsan.

Dhaqaatiirta ayaa ka howlgeli doonta isbitaallada Muqdisho oo ay yaallaana boqolaal dhaawacyo ah oo xalaadoodu ay kala duwan tahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON