Tuesday, June 24, 2025

Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo shaaciyey tirada Turkiga & Soomaalida ku waxyeelobay Qarixii Afgooye.[Akhriso]

Wasiirka caafimaadka Dalka Turkiga Fahrettin Koca ayaa ka hadlay qaraxa is-miidaaminta ahaa ee maanta lala beegsaday shaqaale Turki ah oo ka howlgalayey dhisme ka socda jid isku xira Caasimada Muqdisho iyo Afgooye.

Wasiirka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 15 qof oo isugu jira 6 qof oo Turki ah iyo 9 Soomaali ah, wuxuuna intaas ku datay in 2 ka mida dhaawacyada Turkiga ay xaaladoodu halis tahay, haddana lagu daweynayo Isbitaalka Erdogan (DIgfeer) ee magaalada Muqdisho, laguna wado badbaadin caafimaad.

“Lix Turki ah iyo 9 Soomaali ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa. Waxaa lagula tacaalayaa Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan. Laba ka mida muwaadiniinteena xaalad adag ayay ku jiraan, qalliin ayaa ku socda… 4 ka mida 9-ka qof ee Soomaalida dhaawacmay ayaa xaaladoodu halis tahay. waxaan wadnaa la-tashiyada safaaradeena. Diyaarad caafimaad ayaa diyaar ah inay soo qaado dhaawaca haddii loo baahdo. waxaan cambaareynayaa weerarka argagixisada ee waxashnimada leh, waxaana dhaawacyada u rajeynayaa caafimaad degdeg ah” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo soo saaray warkan.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli faahfaahin rasmi ah ka bixin qaraxa, wuxuuna sheegay afhayeenka Wasaaradda warfaafinta in weli tirakoobka uu socdo, balse aysan jirin dhimasho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON