Friday, June 27, 2025

Wasiirka Cadaaladda Puntland: “Hotelka uu Xamar ka degan yahay (Deni) ayaa maanta ah Villa Somaliya”

Wasiirka Cadaalada maamulka Puntland Caawil Sheekh Xaamid ayaa sheegay in Puntland ay difaac uga jirto madaxweynihii xilligu ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Afartii sano ee Farmaajo madaxweynaha ahaa wuxuu dagaal ku hayey Puntland, meelo badan ayuu isku dayey inuu kasoo galo Puntland.. intaba waa fashilmeen. Labadii sano iyo Billaha uu Siciid Deni madaxweynaha ka ahaa Puntland habeen iyo maalin Farmaajo iyo kooxdiisa kama nasan sidii ay u burburin lahaayeen Puntland, laakiin waxaanu kaga hortagnay iyadoo aanu isku duubanahay oo uu na hoggaaminayo Madaxweynaheena..” ayuu yiri Wasiirka Caddaaladda Puntland oo la hadayey odayaasha iyo Isimada Puntland.

Caawil Sheekh Xaamid oo ka hadlayey xaaladaha dowlad Goboleedyada Koonfurta Somaaliya kale ayaa yiri: “Haddii anu Madaxweyne Deni Maya ku oran lahayn Nabadiyo Nolol waxaanu maanta la mid noqon lahayn Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed.. dowlado daciif ah, meel ay maamulaan aysan jirin dadkoodii ka kala kaxeystay, ninkii la rabo meeshii la rabo loo dhiibto.. kii la doono la ceyriyo ayaanu ahaan lahayn”.

Wasiirka reer Puntland wuxuu sheegay in Hotelka uu Madaxweyne Deni ka degan yahay Muqdisho uu yahay Villa Soomaaliyada dhabta ah. “Wafdigii madaxweynaha (Deni) baan ku jiray, shalay ayaan Xamar kasoo noqday.. Ahmiyada Puntland u hayaan Beesha Caalamka.. Hotelka uu Xamar ka degan yahay Villa Soomaaliya iyadaa maanta ka ah.. wixii madax ahaa caddaan iyo Soomaali waa lagu qulqulayaa.. aayaha Soomaaliya ayaa lagala tashanayaa…” ayuu yiri Caawil Sheekh Xaamid.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON