Sunday, July 13, 2025

Wasiirka cusub ee Amniga oo lagu hor dhaariyey RW Rooble iyo Wasiir kale oo dhaariyay

Waxaa maanta xilka loo dhaariyey Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha xukuumadda ee uu xalay magacaabay u xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxaana xilka u dhaariyey Wasiirka Caddaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo iyo wasiirkii xilka laga qaaday Xasan Xundubey ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Ra’iisal wasaare Rooble.

May be an image of 4 people, people standing and suit
May be an image of 1 person and suit

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON