Thursday, June 26, 2025

Wasiirka Dastuurka oo ka hor yimid Amar kasoo baxay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya [Akhriso]

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya ayaa si toos ah uga hor yimid amarkii ku celiska ahaa ee maanta kasoo baxay Wasiirka Amniga ee ay isla xukuumadda ka wada tirsan yihiin.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo dalka ka maqan ayaa sheegay inuu daawaday shirkii jaraa’id ee hay’adaha ammaanka maanta qabteen ee uu Wasiirka Amniga ku shaaciyey inaan la qaban karin shirar gaara iyadoo aan ogolaansho ka heysan dowladda.

“Taasi waa khalad. Dastuurka ayaa ogolaanaya in cid waliba ay isu imaadyo iyo shirar qabsan karto, iyadoo sida ay qorayaan qodobadda 16-aad iyo 20-aad ee Baarlamaanka” ayuu yiri Wasiir Xoosh oo ku dooday in Dastuurku ogolaanayo shirarka.

Wasiir Xoosh ayaa hore u soo saaray warar uu ku naqdiyay go’aano iyo hadallo kasoo yeeray hay’adaha dowladda qaarkood, wuxuuna mar uu naqdiyey go’aan ka soo baxay Baarlamaanka Federaalka, taasoo ku qasabtay inuu cudurdaar iyo raaligelin bixiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON