Tuesday, July 15, 2025

Wasiirka Dastuurka oo Weerar Afka ah ku qaaday Xasan Sheekh, uguna baaqay inuu howlgab noqdo [Akhriso]

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu dowladda Farmaajo ku eedeeyay caburin iyo cabsi gelinta siyaasiyiinta iyo dadka dhaliila.

Wasiir Xoosh oo ka mida taageerayaasha madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre horeba ereyo qalafsan ku weeraray Baarlamaanka iyo mucaaradka dowladda ayaa baraha bulshada ku weerarray Xasan Sheekh, isagoo ku eedeeyay inuu ahaa mas’uulkii ugu weynaa ee ku tuntay xuquuqda aadanaha.

“Waa la yaab inuu Xasan Sheekh Maxamuud u doodayo Mabaadii’da Xuquuqda Aadanaha oo ah isku day dib u soo laabasho.. Waa inuu xusuustaa inuu Madaxweynihii ka horeeyey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, uu si tartiib ah isaga tegay kadib markii uu Xasan Sheekh Maxamuud la wareegay awoodda, mana uusan dhaleeceen 4 sano oo aad xukunka haystay .. Waxay dadweynaha Soomaaliyeed siiyeen fursad, si khaldan ayuuna u maamulay.. Xusuusnow, Soomaaliya ma jirto fursad labaad, mana jirto ruux soo celin, ilaa aad si fiican u xil gudato” ayuu yiri Wasiirka dastuurka, Cabdi Xoosh Jabriil.

Wuu  sii hadlay wasiirka Dastuurka xukuumadda SOmalia isagoo  farriintiisa ku qoray Af-Ingiriis, wuxuuna ugu baaqay Xasan inay ku habooneyn inuu howlgab noqdo.

Dad badan ayaa ka fal celiyey farriinta uu wasiir Xoosh ku weerarray madaxweynihii hore, waxayna qaarkood weydiiyeen waxa uu Dastuurku u yaqaan Xuquuq Aadane, waxaana dadka qaarkood ay ku tilmaameen sifooyin liita oo iyo inuu si indho la’aan ah nin tooxsi ugu jiro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON