Wasiirka Haweenka iyo Xuququqda Aadanaha Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa ku eedeysay ciidamada nabadsugidda K/Galbeed inay weerar ku qaadeen Guriga hooyadeed ee magaalada Baydhaba.
Falkan ayay si toos ah ugu eedeysan Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, waxayna fariin ay soo dhigtay Facebook ku tiri; “Waxaan ka xumahay kala duwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga inay ku ekaan waysay siyaasada ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan isku sheega nabad sugida Southwest inay ka socdaan tagaan oo Laba Cabdibille ah si iyada usoo xiraan bilaa sabab.
Waxay Wasiirada Xaniifa Xaabsade intaas ku dartay “Sidoo kale Habaryertay ayaa qori lugu qabtay oo dil loogu hanjabay Madaxwayne Abdiaziz ayaa toos masuuliyadaas u qaadaayo wixii meesha ka dhaco caburinta shacabka iyo ixtiraam la’aanta Koonfur Galbeed ka jirtana haddey soo afjarmaysaa insha allah Ciidanka aad hooyooyinka Koonfur Galbeed ku beegsanaysid.. fadlan Shabaab isaga celi oo dhammaan Koonfur Galbeed ku hareeraysan”.
Eedeyntan ayaanay weli jirin cid madax bannaan oo xaqiijisay, laakin waxaa hore loo ogaa inuu dagaal siyaasadeed ka dhaxeeyo Wasiir Xaniifa iyo C/csiis Lafta-gareen, kaasoo keenay in walaalkeed laga dhigo Senator ka tirsan Aqalka Sare si loo dhaafiyo kursiga Golaha shacabka.
