Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa si weyn u difaacday qaabkii loola dhaqmay ciyaaryahannada xulka da’da yar ee 17 sano jirrada.
Iyadoo ka hadlayy xaflad xalay ka dhacay xarunta Gobolka Banadir oo loo sameeyay Ciyaartoyda Da’yarta Soomaalia oo kaalinta labaad ka galay tartanka bariga iyo Bartamaha Afrika ayay sheegtay in wiilasha aysan halis ku jirin oo ay xor ahaayeen, iyagoo kala degan magaalada qeybaheeda kala duwan.
Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ku dooday inay Caruurta xulka Somalia ay Iskuul dhiganayeen oo fasax loo soo qaaday, lagana dalbaday waalidkood inay fasaxaan oo aysan mudneyn in laga faafiyo warar aan jirin.
Ciyaartoyda Xulka 17-jirada dalka ayay sheegtay inay mas’uul ka yihiin wasaaradda Isboortiga iyo xiriirka kubadda Cagta oo ay xul Qaran yihiin.