Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadaly waxqabadka Wasaaradiisa ee Lixdii bilood ee ugu danbeysay.
Wasiira ayaa ka hadlay rajo uu ka qabo Mideynta Canshuuraha dalka oo uu sheegay inuu heer gabagabo ah marayo, isla markaana ay horumar ka gaareen dakhli ururinta, wuxuuna ka hadlay lacagta lasoo daabcayo, isagoo sheegay inay la-tashi kala sameyn doonaan shacabka.
Wasiir Beyle ayaa sheegay daabacaadda lacagta cusub ee ay dowladda diyaarineyso ay go’aansadeem inay u harsan tahay taladii shacabka oo la-tashi lagala sameyn doono, wuxuuna caddeeyay in Wasaraadda Maaliyada ay qaban doonto kulamo dhegeysi dadweyne ah oo ra’yiga bulshada ee lacagta cusub lagu ururinayo.
Arrimaha shacabka lagala tashan doono ee lacagta cusub ayuu sheegay inay ka mid yihiin astaamaga lacagaha lagu midabeynayo iyo muuqaalada lagu daabacayo.
Waxaa hore muran uga dhashay astaan ka dhex muuqatay lacagta cusub ee lasoo bandhigay oo ahaa sawirka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.